Hirshabeelle oo shaacisay qeybtii labaad kuraasta taalla Beledweyne

60

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay Qaybtii 2aad 11 kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Ee taala Magaalada Beledweyne ee Dowlada Hirshabeelle.

Kuraastaan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee 26 Kursi ee taalla Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Berri ayaa lagu waddaa in Beledweyne lagu dooro lixdii kursi ee ugu dambeysay lixda qeybtii koowaad.