Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa xalay shaaciyay Jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.
Guddiga doorashada Jubbaland oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso 21-ka bishaan Febraayo oo ku beegsan maalinta berri oo Isniin ah.Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada shanta kursi ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhaceyso 22-ka Febraayo, sida lagu caddeeyay Jadwalka uu soo saaray Guddiga doorashada.