Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Banaadiriga oo is Casilay.

31

Muqdisho-KNN-Guddoomiye kuxigeenka guddiga maamulka doorashada Banaadiriga ah ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii iyo xubinimadii guddiga Doorashooyinka Banaadiriga.

Ujeedka uu isku Casilay ayuu Ku sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobay mid kamid ah Kuraasta ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu xarunta ka soo qaatay Computer,kaas oo aan la ogeyn in uu si gaar ah u leeyahay iyo guddigu leeyahay.

Iscasiladda masuulkaan ayaa la xariirta cabasho ay qabaan beeshiisa oo sheegay in la boobayo kursigooda.