Puntland oo soo bandhigtay liiska 16 kursi oo lagu dooranayo Boosaaso

61

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa shaaciyay, iyaga oo fulinaya heshiisyadii Madasha Qaran qabashada Doorashada 16 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Boosaaso kana mid ah 37 kursi ee degaan doorashadoodu tahay Puntland.

Kuraasta 16-ka ah ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Boosaaso ayaa waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan saameyn ku leh degaannada Puntland, waxaana kuraasta Puntland ay shaacisay ay kala yihiin.

1: Hop#220 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi.

2: Hop#169 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, wuxuuna kursigaan uu kamid yahay kuraasta ugu hadal heynta badan ee degaannada Puntland.

3: Hop#076 kaas oo uu ku fadhiyo Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana laga leeyahay kursigaan Gobolka Sanaag.

4: Hop#149 oo uu ku fadhiyo Axmed Ismaaciil Maxamed , waxaana degaan doorashadiisu ay tahay Gobolka Sanaag.

5: Hop#157 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Xasan, waxaana kursigaan laga leeyahay Gobolka Sanaag.

6: Hop#142 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim.

7: Hop#227 Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI), wuxuuna kursigaan degaan doorashadiisu yahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

8: Hop#190 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse.

9: Hop#228 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kurisgaan degaan doorashadiisu ay tahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

10: Hop#234 oo ay ku fadhiso Deeqo Saciid Xasan, waxaana kursigaan laga leeyahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

11: Hop#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamed Maxmuud (Cabdiyare) waxaana kursigaan degaan doorashadiisa ay tahay Magaalada Boosaaso.

12: Hop#083 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdullaahi Bille Nuur, waxaana kursigaan laga leeyahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

13: Hop#222 oo uu ku fadhiyo Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana kursigaan degaan doirashadiisa ay tahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

14: Hop#036 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

15: Hop#027 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

16: Hop#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane).

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay hakiyay doorashada Golaha Shacabka kadib safar dalka dibadiisa ah oo ay u baxeen, balse markii ay dib ugu soo laabteen ay soo saareen liiska kuraas lagu doorano Magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ee Gobolada Bari iyo Jubbada Hoose.