–Howlgalkani oo ahaa mid amniga lagu Xaqiijinayo sidoo kalana ahaa mid lagu Baacsanaayay Burcada wadooyinka Dadka ku dhibaateeya ayaa Masuuliyiin ka tirsan Degmada Wanlaweyn iyo Ciidamada Dowlada ka sameeyeenTuulooyin hoostaga Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaana si gooni looga sameeyay Tuulooyin ay kamid yihiin Gololeey, Siigoole, i Masiirey, Buula cajuusa, lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan.
Holgalkan ayaa waxaa hogaaminayey Gadoomiyaha Dagmada ahna Duqa Degmada Wanlaweyn Ismaaciil Sheikh Abuukar iyo Taliyaha Ururka 64,aad Guutada 7aad Qeybta 60,aad ee CXD taliye Halac iyo Taliyaha ururka Daraawishta Dagmada Wanlaweyn Taliye Cali juuc.
Howlgalka inta uu socday Waxaa Gacanta ey ku soo dhigeen dhalinyaro ey sheegeen in ey ku howlanaayeen fal burcadnimo ah, sida ay hadalka u dhigeen
Gudoomiyaha Dagmada Ismaaciil Sheikh Abuukar ayaa waxa uu sheegay in ey Howl galkan ey sii wadi doonan inta laga Cirub tiraayo Tuugada.
Maalmihii udambeeyay ayaa waxaa cabasho ey ka imaaneysay shacaka ku waa oo ka sheeganayay in mararka qaarkood dhac loogu geysto agagaarka tuulooyinka maanta Howl galka Laga sameeyay.