Maxkamadda Ciidamadda Dowladda oo xukun ku riday askari horay Dil u geeystay.

55

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun Dil ah ku Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 Dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle.

Dilka Marxuumka kadib ayuu isaga Baxsaday goobaha Dowladda,Sida ay sheegtay Maxkamada waxaana September 2019 Maxkamadda Ciidamada ay U jartay Waaran Soo Qabasha ah.

December Sanadkii tegay ayuu u Gacan Galay Hay’adaha Amniga, wixii intaas ka dambeeyay waxa uu soo maray dhammaan Hab Raacyadii lagag gaaray Go’aanka.

Maxkamada ayaa sheegtay in Xasan oo ka tirsan Ciidamada Xoogga uu haatan haysto Fursad uu Ku Dalban karo Rafcaan.