-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo labadii maalin ee lasoo dhafay ku sugnaa magaalada Beladweyne, ayaa markii ugu horeeysay kulan la qaatay odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hir-shabeelle tabashadii ay ka qabeen Dhismaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir Dowladnimada.
Ugu danbeeyntii Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan isagoona u sheegay in uu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen.











