Soomaaliya iyo Rwanda oo wada saxiixday Heshiis cusub

41

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Vincent Biruta maanta Adis Ababa kula saxiixday Heshiis Is-afgarad ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in
Heshiiskan Is-afgaradka ah uu ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

“Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kamid ah Wefdiga Madaxweyne Farmaajo ee Adis Ababa uga qeyb galaya shirka 35-aad ee Golaha Midowga Afrika oo maanta furmay.