Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KGS oo garay Baraawe.

53

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad goboleedka KGS.

Yuusuf Cabdiqaadir Maxamad Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka koofur galbeed iyo wafdiga uu hogaamiyo ayaa halkaasi utagay indhaindheeynta Goobta ay ka dhaceeyso Doorashada Golaha Shacabka BFS, kuwoodda ka imaan Doonno Baraawe.

Soo dhawaynta Gudoomiyaha iyo wafdiga uu hogaamiyo Waxaa ka qeeyb qaatay Masuuliyiin ka tirsan degmada Baraawe, maamulka Koofur galbeed iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

Maalmaha Soo aadan ayaa lagu waddaa in Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee halkaasi ka bilaabato, Sida ay Shaciyeen Gudiga Doorashooyinka DGKGS.