Maxkamad reer Yurub oo xukun ku ridday ‘basaasiin’ Sucuudiga u shaqeeya

34

Maxkamad ku taala dalka Denmark ayaa saddex xubnood oo ka tirsan kooxda mucaaradka Iran ku heshay danbi ah inay u basaasayeen Sucuudiga.

Bishii February 2020-kii Saddexda nin waxa xidhay booliisku waxayna ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa halganka Carabta ee xoraynta Ahvaz ee Sucuudigu taageero.

Waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah “maal gilinta kooxda lagu magacaabo Mohiuddin Nasser” iyagoo taageerayay garabkeeda hubaysan ee dalka Iran ka dagaalanto.

Seddexdan nin ayaa Waxaa laxukumi doonaa bisha soo socota, iyadoo ay suurtagal tahay in lagu xukumo xabsi ilaa 12 sano ah iyo in la musaafuriyo.

Dacwada oo ka dhacday maxkamadda degmada Roskilde ee dalka Deenmaak, ayaa waxaa la sheegay intii u dhaxeysay 2012 iyo 2020 ay saddexda nin u gudbiyeen xog ku saabsan shaqsiyaad iyo hay’ado kala duwan oo Danish ah, iyo sidoo kale arrimaha ciidamada Iran, iyagoo xoga haasi lacago kubadalanayay.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaasi ay ku maal gelinayeen dhaqdhaqaaqyada garabka hubaysan ee ASMLA ee Iran, oo lagu magacaabo Mohiuddin Nasser.