Ciidamo isugu jira Boolis iyo Militari oo la geeyay Baraawe.

97

Ciidamo isugu jira Booliis iyo militari ayaa Maanta markii ugu horeysay waxaa la geeyay degmada Baraawe ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in ay sugaan amniga doorashada kuraas kamid ah golaha shacabka oo dhawaan lagu qaban doono degmadaasi.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa dhawaan waxaa ay ka dhacaysaa degmada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee kuraasta golaha shacabka ka soo geleysa deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada Koofur Galbeed Soomaaliya

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Daka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ,

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Wafdiga ku soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Shabeellada hoose Iyo Kan Degmada Baraawe, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.