Xubno Ka tirsan Guddiga Qaran ee Abaaraha iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Somaliya Hon. Mehmet Yilmaz, si ay u dabagalaan baaqii degdegaahaa ee uu Ra’iisul Wasaaruhu November24, 2021 u jeediyay Deeq bixiyayaasha Caalamka, saaxiibada Soomaaliya iyo Haayadaha ka shaqeeya gargaarka bini’aadantinimo.
Guddida abaaraha heer qaran waxey Safiirka horgeeyeen warbixin xaalada abaaraha muujinaysa xaaladda degdega ah ee Abaaraha, waxaana lugu mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowlada Soomaliya
Safiirka ayaa la wadaagay guddiga xog ku saabsan dadaallada gurmadka Abaaraha ee dowladda Turkiga, isagoo ballan qaaday in warbixinnada dowladda Soomaaliya uu la wadaago Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn si loo kordhiyo dadaallad gurmadka abaaraha, iyo sidoo kale sii wadida wacyigelinta abaarta ku socota Beesha Caalamka iyo Saaxiibada Turkiga.
Safiirka ayaa ballan qaaday in si joogta ah la wadaago Dowladda Turkiga warbixinada cusub ee Dowladda Soomaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay xoogga saarto sidii loo heli lahaa Gurmadka Abaaraha, maadaama ay xaalada aad u sii xumaan doonto, isla markaana u fiirsashada arrimaha siyaasadda ay caqabad weyn ku tahay in bulshada Caalamka, Saaxiibada Gargaarka Bani’aadantinimo, Saxaafadda iyo Saaxiibada Turkiga ay ka qeyb qaataan wacyigelinta, iyo dadaalka loogu jiro Gurmadka Abaaraha.