Weerarka ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen musharrax Xildhibaan Golaha Shacabka ee kuraasta lagu dooranayo Magaalada Garoowe.
laba kamid ah Askarta musharrax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere) ayaa ku dhaawacmay weerarka, waxaana waraka sidoo kale sheegayaan in musharraxa uu soo gaaray dhaawac fudud.
Weerarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaaf ka taagan doorashada kursiga hop192, oo la filayo in maalinta berrito lagu doorto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Musharrax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere) ayaa Maanta guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Puntland ay siiyeen shahaadada musharraxnimo, waxaana wararku sheegayaan in loo xiray kursiga, taasoo oo keentay in laga caroodo lana weeraro.
Xaaladda Magaalada Garoowe ayaa haatan ah mid degan, waxaana arrintaan ku baxay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Garoowe, si xiisada aysan meel dheer u gaarin.