Ciidamada Pakistan ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin deegaan fog oo ku yaalla Koonfur Galbeed, taasi oo keentay dagaal fool ka fool ah oo lagu dilay 10 askari iyo mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.
Warka ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in “Weerarku uu ka dhacay magaalada Kish ee gobolka Balochistan, waxaana ciidamadu ay ku jawaabeen rasaas ay ku dileen mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday,” iyadoo aysan jirin koox ama cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Waxa uu intaasi ku daray “Ciidamada ammaanka in markii dambe gacanta ku dhigay 3 nin oo hubeysan, walina waxaa socda baadigoobka raggii weerarka soo qaaday”.