Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goobaha ay ka dhaceyso doorashada

24

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa soo indha indheeyay xafiisyada ay ku shaqeeyaan gudiga iyo hoolka ay ka dhici doonto doorashad Xilibaanada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn la kulmay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Maamulka Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee Heer Dowlad Goboleed, Hirshabeelle isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha doorashooyinka.