Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday Muqdisho

35

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta waxaa ay Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku qabteen doorashada lix kamid ah kuraasta Gobolada Shacabka ee Gobolads Waqooyi.

Doorashadii Maanta ayaa ka duwaneyd doorashooyinkii hore, waxaana dhamaan la joojiyay tebintii tooska aheyd ee Warbaahinta, sidoo kale waddooyinka gala dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ayaa lagu xiray Ciidamo Boolis ah oo qaarkood wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duean.

Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta oo ahaa Hop 247 ayaa waxaa ku tartami lahaa Xildhibaan Khadra Maxamed Tukaale oo kursiga horay ugu fadhiday iyo Filsan Jaamac Cismaan, balse waxaa kursiga ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen 100 Ergo kadib markii ay tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan, waxaana ka aamustay hal Ruux.

Kursiga labaad ee doorashadii Maanta oo ah Hop245 ayaa waxaa ku tartamay Xildbibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Aadan Geedi Cabsiye, waxaana cod gacan taag ah 100 cod ku guuleystay Xildbibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge, kadib markii uu u tanaasulay Aadan Geedi Cabsiye 1 qof ayaana ka aamusay.

Kursiga Saddexaad oo ah Hop215 oo uu horay ugu fadhiyay Faatix Saciid Xasan oo tartanka laga reebay  ayaa waxaa ku tartamay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Axmed Yuusuf Bakaal, hayeeshee waxaa 94 cod oo gacan taag ah ku guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf hal qof ayaana ka aamusay.

Kursiga Afaraad ee Hop214 ayaa waxaa ku tartamay Dr Cilmi Maxamed Nuur iyo Tusmo jaamac liibaan, waxaase kursiga cod gacan taag ah 100 cod ku guuleystay Dr Cilmi Maxamed Nuur qofna kama aamusin.

Kursiga Shanaad ee Hop209 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xuseen Haadi, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay oo ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.

Kursiga lixaad ee HOP211 ayaa waxaa ku guuleysatay Caasho Koos Maxamuud Cumar oo kursigaan oo horay ugu fadhiday Afartii sano ee la soo dhaafay.

Kursiga 7aad ee Hop201 ayaa waxaa ku guuleystay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Kursiga Sideedaad ee Hop257 ee doorashada Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo baxday Nadra Saalax Cabdi, waxaana horay Kursigaan ugu fadhiyay Cabdalla Xaaji Cali.