Xaalad kacsanaan ah oo maanta ka taagan magaalada Beledweyne.

66

Xili xalay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ay ka dhaceen banaanbaxyo Xoogan oo looga soo horjeedo imaatinka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe xuseen oo la shegay in uu tagayo Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa saaka halkaasii ka tagan xaalad kacsanaan ah.

Shacabka Magaalada Baladweyne ayaa KNN usheegay in saaka Ciidamo aad u hubeeysan kana Amar qaato Sargaal magaciisa ay ku shegeen Nuur dheere uu si buuxda ula wareegay Xaafado ka tirsan Beledweyne Gaar ahaan  Xaafda Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiisha,

Shacabka ayaa sidoo kale shegay in Sargaalkani uu ku hubeeysan yahay Gaadiidka Dagaalka ,Waxaana iskaga Baxay Dagaal la.ana Agaas Ciidamadii Booliska Hir-shabeelle kuwaaso Galay Xerada Lamagalaay.

Macadda ujeedka Sargaalkani lagu magacaabo nuur dheere ee la wareegay qeeybo kamid ah Beledweyne, Waxaase Shacabka Beledweyne ka gadoodsanyihiin imaatinka Cali Guudlaawe oo xalay xogo soo baxayay Tibaaxayeen in uu halkaasi maanta tagi Doono.

Dhawaan ayeey aheeyd Markii Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud uu halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka biixi isagoona ugu danbeeyn aqbalay in Muqdisho uu soo gaaro.