Wasiirka Maaliyada “Kursigayga waxaan ku waayay waxyaabo badan oo ku saabsan Miisaaniyda oo aan iska diiday “

27

Wasiir Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay sababta kaliftay in Kursigiisa xildhibaanimo uu waayo, isagoona shegay in uu kuwaayay waxyaabo kusaabsan Maaliyadda oo uu iska diiday in uu bixiyo.

” Kursigayga waxaan ku waayay waxyaabo badan oo ku saabsan Miisaaniyda oo aan iska diiday ”  ayuu yiri wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa shegay in uu sidoo kale shegay in uu ku waayay hab maamulka wanaagsan ee maaliyadda dalka saxiibo badan uu lahaa sida uu hadalka u dhigay, oo uu iska ilaaliyay khalad yar oo wax udhimi karo hananka maaliyadda dalka.

Wasiirka oo hadalkiisu umuuqday mid ku wajan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah maxamed xuseen rooble ayaa carabaabay in uu Gabi ahaanba is diiday in uu bixiyo miisaaniyad aan tartan loo gelin oo la siiyo shakhsi gooni ah.

Wasiirka ayaa shegay in uu umaleynayo in ay is tabanayaan maliyadda dalka oo uu iska diiday bixinta lacago aan sharci aheeyn iyo waayista kursiga xildhibaannimo oo afartii sanno ee lasoo dhafay ku fadhiyay, waxa uu shegay “in qofkii  Allah u calfayo uu heli doono;,

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayo xili edeyn culus loo jeediyay Ra’iisul wasaare Rooble taa oo ku aadan Boobka Doorashada.