-Waxaa Degmada Baladxaawo ka dhacay kulan looga hadlayey sare u qaadida amniga degmada iyo deegaanada hoos yimaada waxaana shirkani ka qeyb galay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo Maamulka Gobolka maamulka Degmada Baladxaawo iyo sarakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida
Masuliyiinta iyo sarakiisha ayaa isla gartey in dhawaan uu bilaaban doono howgalo looga xoraynayo goobaha maleeshiyada Alshabaab ay kaga dhumalaystaan qaar ka mid ah deegaanada miyiga Gobolka Gedo. iyo sidii wax looga qaban lahaa muran dhuleedka baahay ee u dhaxeeyo bulsho wada degan deegaano hoos yimaado Baladxaawo
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed Taliyaha Nabadsugida Gobolka Cabduraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke oo saldhiga Degmada kula hadlay ciidamada booliska nabadsugida farey in gacan adag kala hor tagaan kooxda alshabaab oo xiliyada qaar dhac iyo boob u geysta dadka xoolo dhaqatada ah iyo cid kasto lidi ku ah amaanka Gobolka.