Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka laabtay go’aan ay hore u gaareen oo qeexayay in ONLF ka howlgalla wadanka Itoobiya uu yahay urur Argagaxiso iyo dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi dhagax.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Golaha oo uu shir Guddoominyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayay Golaha dib u eegis ku sameeyeen tillaabadii ay Dowladdu Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa xubin ka tirsana Ururka ONLF.
Golaha ayaana u coddeeyay in laga laabto go’aanadaasi, waxaana kaliya diiday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, halka uu ka aamusay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xamse Maxamed Xamse.
Go’aanadan ay ka laabteen Golaha Wasiirada ayaa waxaa 2017 gaaray Golaha oo xilligaasi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre.