Xeer ilaalinta Maamulka Galmudug ayaa ba’isay dacwad loo heystay Mushrax Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali oo ay dhowaan yeertay maxkamadda Gobolka Galguduud.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in u yeerista Maxamed Ibraahim in ay tahay Sharci darro, maadaama ay khilaafsan tahay qoddobka 12-aad ee Dastuurka.
Musharax Maxamed Ibraahim ayay Maxkamaddu sheegtay in ay soo dacweesteen ganacsato ay Shuraako ku yihiin, isla markaana ku eedeysan in uu ka baxey heshiiskii ay wada galeen.
Amarka uu yeerista Maxkamadda ayaana ku soo aadaya xilli kursiga uu u tartamayo Doorashadiisa ay dhaceyso toddobaadkan.
Hoos ka akhriso Warqada.