Mali ayaa diiday in diyaarad militari oo Jarmal ah oo ku sii jeeday Niger ay ka soo gudubto hawadeeda, sida ay xaqiijiyeen ciidamada cirka ee Jarmalka.
Diyaaradda Airbus A400M ee ciidamada Jarmalka oo ka timid dalka Jarmalka, “oo ay saarnaayeen ilaa 80 askari”, ayaa loo diiday inay dul marto dalka Mali, xilli ay ku sii jeedday magaalada Niamey ee dalka Niger, sida ay Twitter-ka ku sheegeen ciidammada cirka ee Jarmalka.
Ciidamada ayaa sharaxay in “safarka loo wareejiyay Grand Canary”, jasiiradaha Canary ee Spain, iyagoo tilmaamay in “xaqiiqda la cadeyn doono.”
Maamulka Mali ayaa dhawaan xaddiday dhaqdhaqaaqa hawada ee howlgalka caalamiga ah ee militariga “MINUSMA” ee fadhigoodu yahay dalka oo uu ka qeybqaadanayo Jarmalka.