Puntland oo faah faahisay halka ay mareyso Nabadeynta beelo dagaalamay

41

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Goleyaasha Xukuumadda ee Nabadeynta deegaamaynta Saax-meygaag iyo Sanga-jebiye Abuukate Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo ay wehliyaan xubno ka mid Guddiga ayaa Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiillada, iyaga oo ka hadlay xaaladda degaanka iyo Colaadii dhacday.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyay halka uu marayo Dadaaladii Nabadda iyo Hirgelinta Go’aamadii kasoo baxay Shirkii Hadhwanaag ee la xiriiray dagaalkii beelaha walaalaha ah ku dhexmaray Saaxmeygaag ee khilaafkii deegaamaynta Saax-meygaag iyo Sanga-jebiye.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeeyo nabadeynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Saax-maygaag si Bulshada degaanka ay Nabad ugu wada noolaadaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo xubno ka ah Guddiga ayaa sheegay in meel wanaagsan marayaan xallinta khilaafkaas ,isla markaana wajiga koowaad ee Nabadeynta uu hirgalay.

Colaadii ka dhacday degaannada Saax-meygaag iyo Sanga-jebiye ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale barakaca Boqolaal kale.