Cumar Cabdirashiid oo madaxda maamul goboleedyada ku eedeeyay boobka doorashada.

52

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali  Sharma’arke  oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka  ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay boobka la sheegay in lagu hayo doorashooyinka golaha shacabka ee haatan ka socda magaalooyinka ay ku sugan yihiin madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay boobka lagu hayo kuraasta golaha sahcabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya in ay keeni doonto inuu mugdi galo sharciyada dowladda ee dhawaan la soo dhisi doono.

“Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada. Waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu  sheegay hab dhaqanka    doorashada lagu maamulayo inuu ka awood badan tahay habraaca doorashada, taasoo uu sheegay in ay keentay in si xoog ah lagula soo baxo xildhibaanadda la doonayo.

Sidoo kale R/wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa madaxda dowlad goboleedyada, ku eedeeyay in ay gacantooda ku qoranayaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, taasoo uu sheegay in ay xad gudub weyn ku tahay habraaca doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalkan uu soo saaray R/Wasarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dardar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 Febraayo ee 2022, inkastoo weli la soo sheegayo in boob  lagu hayo doorashooyinka golaha shacabka.