Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo lagu doortay Muqdisho

57

Waxaa daqiiqo ka hor magaalada Muqdisho lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka, kadib doorasho maanta ka dhacday teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cawil Warsame ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, iyadoo uu is casilay Musharaxii la tartamayay ee Mustaf Macalim Cali

Guddoomiyaha Cusub  ayaa waxaa uu ka mid ahaa 7-dii xubneed ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku soo daray guddiga.

Dhawaan  ayay aheyd markii Teendhada Afisyooni ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas ku guuleystay oo loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.