Barakacayaal hor leh oo soo gaarey Baardheere oo ka cabanaya xaalad nolol xumo.

52

Qoysaskani Barakacayaasha ah oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 oo qoys ayaa u badan qoysas haysta caruur aad u yar yar ,haween iyo dad kale oo waayeelo ah,waxayna todobaadyadii ugu dameeyey ay ka soo kala barakaceen Deegaano hoosyimaada Gobolada Gedo,Bay iyo J/dhexe.

Qoysaskan Barakacayaasha ah ayaa ku biirey Xerada Barakaca Keysaneey ee ku taala duleedka Koonfureed ee degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen inay aad ugu dhib qabaan helitaanka Raashin,Hoy ,biyo Nadiif ah iyo sidoo kale adeeg caafimaad.

Ibraahin Aden Isaaq oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Keysaney ayaa sheegay in maalin weliba in xerada ay soo gaaraan dad gaaraya ilaa 20 qoys,kuwaasi oo dhamaantood waxyeelo ay ka soo gaartey Abaarta ka taagan Gobolka .

Sidoo kale Qaar ka mid ah Dadka Barakacayaasha ah ee degan Xerada Barakaca Keysaney ayaa ka war
Ugu dambeentii Ismaaciil Cumar Macalin oo ahGudoomiyaha Xeryaha Barakacayaasha Baardheere oo ka Hadley Xerada Towfiiq ayaa ka Codsadey hay’adaha Samafalka,DF iyo jaaliyadaha dibada ee Gobolka ka soo jeeda in gurmad bini;aadinimo ay la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Xeradan.