-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah caawa lagu garaacay Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Ilaa 4 hoobiye ay ku dhaceen Xaafadaha magaalada Beledweyne.
Ilaa iyo haddda lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha caawa lagu garaacay xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraa.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa caawa ku sugan Taliyaha Ciidamada Dhulka Gen, Biixi iyo saraakiil ka tirsan miltariga Soomaaliya