Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaminta ahaa ee ka dhacay maqaaxi ku taala meel u dhow xerada Nac-nac ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
“Waxaan cambaareynayaa falka wushuushnimadda ah ee argagixsada ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah.
Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay”ayaa lagu qoraal ka soo baxay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa intaasi hadalkiisa ku daray”Dowlad iyo shacab, waxaa lagama maarmaan ah inaan u istaagno sidii aan isaga qaban laheyn cadowgaan arxanka darada ah”
4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho