Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan Xerada lamagalaay kulamo saacado badan qaatay ku yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Janeraal Abuukar Warsame Xuud.
Kulamada oo xalay soo billowday ayaa looga hadlayay sida xal buuxa looga gaari lahaa tabashada Reer Hiiraan ka qabaan habkii loo maray dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo sidii doorasho Nabdoon oo Golaha Shacabka ah uga dhici laheyd Magaalada Beledweyne
Warar hordhac ah oo ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay jiraan isfaham horudhac ah oo ay gaareen Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Janeraal Abuukar Warsame Xuud, isla markaana ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin.
1: In waxkasta oo tabasho ah ee jira wada-hadal iyo Nabad lagu raadiyo.
2: In doorashada Golaha Shacabka si Nabad ah uga qabsoonto Magaalada Beledweyne lagana wada Shaqeeyo.
3: In Wada-hadallada ay noqdaan kuwo sii socda si loo dhameeyo mad madowga jira heshiisna looga gaaro Arrimaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in kulamada oo weli socda ay ku biiri doonaan Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Sarkaalka lagu Magacaabo Nuur Dheere oo kamid ah Saraakiisha diidan habka loo mafay dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle.