Ciidamada Qalabka sida gaar ahaan Qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhaxaysa Deegaanka Far-libaax iyo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Taliyaha qeybta 27aad, Taliyaha Booliska Hir-Shabaeelle & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay howlgalka ku dileen 8 ka mid ah Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalka laga sameeyay.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya & Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaeo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calaaow Dareedisho ayaa sheegay inay Ciidanka dagaalka ku dileen 8 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab tiro kalena ay ka dhaawaceen, halka Ciidanka uu ka geeriyooday Saddex askarina ay ka dhaawacmeen.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray taliyaha in Ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga saarayo inta u dhaxeeysa degaanka Farlibaax iyo Magaalada Beledweyne.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka qeybta 27aad waxaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeynayeen degaano hoostaga Magaalada Beledweyne, iyaga oo howlgalkooda kula wareegay degaano dhowr ah.