Maamulka Dhuusamareeb oo Amaro kusoo rogay Musharrixiinta Golaha Shacabka

50

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa digniino ku aadan sugida amniga Caasimada soo saaray.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maagalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Arole ayaa soo saaray amaradan kadhanka ah dadka ganacsatada ah ee leh guryaha la kiraysto, musharixiinta imaanaya Caasimada,iyo sida loo sugayo guud ahaan amniga Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay musharrixiinta in ka hor inta aysan imaan dhuusamareeba soo xiriiraan Maamulka  Caasimadda  si loogu diyaariyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, sida Guri ay degaan amnigooda iyo soo dhaweyn intaba.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la filayo in halkaasi lagu qabto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.