Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashada

27

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Waxaa looga hadlay kulanka xiriirka labada dal ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku soo qaaday arrimaha Doorashooyinka dalka ka socda iyo sida ay muhiim u tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.