Kuuriyada Waqooyi ayaa tiyaabisay laba gantaal oo ballistic ah, waana tijaabadii saddexaad ee muddo laba toddobaad gudahood ah, saacado uun ka dib markii ay digniin u dirtay Maraykanka oo ay ku tilmaamtay in uu wado daan daansi.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay Jimcihii in ay ogaadeen waxa ay u maleeyeen in ay ahaayeen laba gantaal oo riddada gaaban oo laga soo riday dhanka bari ee gobolka Waqooyiga Pyongan ee xeebta galbeed ee Kuuriyada Waqooyi.
Labada gantaal ayaa waxa ay ku socdeen ilaa 430km (267 mayl),sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.
Ilaalada xeebaha Japan ayaa sidoo kale xaqiijiyay tijaabada ay sameysay gantaalada ay sameysay Kooriyada Waqooyi.
Hogaamiyaha Kim Jong Un ayaa kormeeray tijaabada labaad ee gantaalka hypersonic Talaadadii, waana markii ugu horeysay oo lagu sawiro isagoo ku sugan halkaasi.