Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuusan ka mid aheyn siyaasiyiinta go’aanka ka soo saaray xiisada Boosaaso.

54

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa beeniyay in uu ka mid ahaa siyaasiyiiinta warsaxaafadeeedka ka soo saaray go’aanka odayaasha dhaqanka Puntland ee xiisadda Boosaaso.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu tilmaamay in aan laga tashan bayaanka siyaasiyiinta, sidoo kale uusan qayb ka ahayn hadalada uu xambaarsan yahay.

“Waxaan cadayn inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsanaa” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka.

Wuxuuna intaas ku daray “Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah”.