Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.
Dhiggiisa Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan ayaa uga mahadceliyey qabiilada uu qabilay deni usagoona cadeeyay in imaaradka ay ka go’antahay sidii ay tageero buuxdo usiin lahaayeen Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Imaaradka carabta ayaa maalmo kahor muqdisho soo gaarsiiyay gargaarka ay ugu talagashay dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxa ka gudoomayay Ra’iisul wasaraha xukumada xilgaarsiinta ah Naxamed Xuseen Rooble.