Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askari dilay qof shacab ah.

50

-Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada daraawiisha degmada Baladxaawo oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” ayaa lagu fuliyay Dilka toogashada oo ah Qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle uu ku dhex dilay Saldhiga Degmada Luuq, falkaas dilka ah ayaa dhacay 3-da bishii Maarso, 2021.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer ilaaliye ku-xigeenka ciidamada qalabka ayaa sheegay in maanta xuku dil ah lagu fuliyay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” oo 32-sano jir ah, taas oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow, waxa ayna Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane.