Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo la filayo in ay doortaan Guddoomiye cusub.

29

Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ay doortaan guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka (FEIT) heer federaal, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cirro.

Xilkan ayaa waxaa u tartamaya Cabdicasiis cabdiraxmaan Yuusuf, kaasi oo ka mid ah guddiga doorashooyinka, islamarkaana horey ula tartamay guddoomiyihii hore ee xilka ka qaadista lagu sameeyay.
Guddigan ayaa marka ay doortaan guddoomiyaha Cusub waxaa looga fadhiyaa in ay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.

Shalay ayay aheyd markii Golaha wadatashiga Qaranka ay soo saareen jadwal rasmi ah, kaasi oo ku aadan waqtiga ay bilaabanayso doorashada golaha shacabka iyo xiliga la soo gaba gabeynayo.