Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada kala hadlay Amnig.

57

Madaxwene ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dergelin lahaa hawlaha Amni ee Madaxtooyada iyo in Ciidamada ka fogaadaan wax kasta oo wax yeelayn kara sharaftooda, isla markaana hoos u dhigaya kalsoonida shacabka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lidi ku ah sharciga Ciidanka.

“Waxaad huwan tihiin sharaftii ciidamada Puntland maadaama aad ka hawl galeysaan xaruntii laga hagayey dowladnimada, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inaad ka dheeraataan wax kasta oo dhaawici kara sharaftiina.

Kulanka waxa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Ku-simaha Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.