Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray sugida Amniga doorashooyinka

44

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale.

Waxaa ugu horeeyntii kulanka golaha wasiiradda ka hadlay oo kawar bixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal waxa uu sheegay in Dowladdu wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubaland waxaa guddiyo loo saaray labo arimood oo ay si weyn ooga doodeen golaha kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo bilicda Deegaanka.

Arimaha abaaraha iyo biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubaland Axmed Xuseen Baraki isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Dowladda ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.