Mucaaradka oo war ka soo saaray shirka uu iclaamiyay R/wasaare Rooble

23

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirka uu Iclaamiyay RW Rooble, kaasi oo dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashada oo muran xoogan hareeyay, maadaama mucaaradka ay ku doodayaan in kuraasta qaar la musuq maasuqay.

Sidoo kale mucaaradka ayaa waxaa ay rajo ka muujiyeen in siwadajir looga gudbo caqabadaha ku horgudban doorashada Soomaaliya.