Xiisad dagaal oo u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed oo ka taagan Galgaduud.

23

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka dhacay degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Weriyaha KNN ayaa soo sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 3 qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo duleedka degmada Balanbale ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay weli is horfadhiyaan, islamarkaana laga cabsi qabo in ay markale dagaalamaan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay kala helayaan gurmadyo, arrintaasi ayay sheegeen in ay cabsi badan ku abuurtay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisada ka tagaan degmada Balanbale.