Shirka todobaadlaha G/Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay Xaalada Abaaraha iyo Amniga.

24

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay qodobo kala duwan, iyadoo warbixino laga dhagaystay Wasaaradaha kala duwan iyo xaaladahii u dambeeyay.

Goluhu wuxuu falanqeyn dheer ka yeeshay xaalada abaaraha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyo sidii laga baaqasan lahaa masiibooyinka soo noq-noqday.

Dhinaca kale, wuxuu golaha ka dooday xal u helista bacaha taas oo saamayn weyn ku leh nolosha bulshada gaar ahaan xeebaha iyo xoolaha nool oo ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan kara nabad guurka deegaanka.

Arimaha amniga ayaa Wasaarada amniga laga dhagaystay warbixin la xiriirta xaalada amniga. Iyadoo sheegtay in wax amni daro aysan ka jirin deegaannada Jubbaland islamarkaana ay wadaan qorshayaalo ay ku hormarinayaan amniga guud.