Puntland oo sheegtay in Ciidamada PSF ta ay barakac ku hayaan Shacabka Boosaaso.

43

hir jaraa’id uu magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland warbaahinta ugu qabtay duqa degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayuu kaga hadlay Ciidamada PSF ta ee ka gadooday Xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynha Maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni Agaasimihii Hay’addaas Maxamuud Cismaan Diyaano kaas oo isna kahor yimid in uu xilka wareejiyo.

Waxaa uu sheegay Duqa in Madaxweynaha Puntland Deni uu sifo sharci ah ku magacaabay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda PSF ta Aamiin Xaaji Kheyr, balse magacaabistaasi uu ka hor yimid Agaasimihii xilka laga qaaday islamarkaana uu iska diiday in uu xilkaas wareejiyo.

Waxaa uu intaa ku daray in taasi ay sababtay in Taliyihii hore iyo Ciidamadii PSF ta ay xaruntii ay ka daganaayeen magaalada Boosaaso ay ka wadeen labadii beri barakac iyo dadkii ay qalqal galinayaan.

Sidoo kale, Duqa degmada Boosaaso ayaa shaaca ka qaaday in wax dhibaato oo amni dari ah aysan ka jirin Boosaaso am ka taagan, Wuxuu digniin adag u diray Saraakiisha iyo Ciidamada PSF ta ee Shacabka ku haya qalqal galinta shacabka oo ay ku leeyihiin qaxa iyo weerar aye Ciidamada Puntland nagu soo yihiin.

.