Shir ku saabsan waxbarashadda oo DFS iyo kuwa dowlad Goboleedyada Dalka ugu furmay kismaayo.

44

Waxaa maanta shir uu ka furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo looga hadlayay Horumarinta Manhajka Waxbarashada Iyo Hannaanka Imtixaanaadka Dalka.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka, kuwa Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Waxaana uu socon doonaa muddo Seddex Cisho ah, iyadoo dhinacyada ay kaga hadli doonaan daadajinta Adeegyada Waxbarashada iyo xoojinta taya-dhowrka Waxbarashada.

Shirkaan ayaa waxaa markii uu soo dhammaado lagu wadaa in laga soo saaro war-saxaafadeed ku aadan wixii ay isla qaateen dhinacyada iyo Horumarinta Manhajka Waxbarashada Iyo Hannaanka Imtixaanaadka Dalka.