Xildhibaano Cusub Oo Lagu Doortay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Dhuusamareeb

63

Waxaa Maanta Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu qabtay doorashooyinka kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ugu horreeysay ee Maanta dhacday ayaa waxaa kursigeedu ahaa HOP182 oo ay ku tartameen Faysal Ibraahim Xasan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ku guuleystay Maxamed Mursal oo helay 88 Cod.

Doorashada kale ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Zakariye Maxamed Cabdi iyo Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor) oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaan ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay Hop 170.

Aadan Saran-soor ayaa ku soo baxay doorashada kursiga Hop 170, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 82 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Zakariye Maxamed uu isna helay 12 Cod, halka 7 Cod ay halaawday.

Sidoo kale doorashada kursiga saddexaad ee Magaalada Baydhabo ka dhacday ayaa waxaa ku guuleysatay Fowsiya Maxamed Sheekh oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhisay kursiga Hop 171, waxaana ay heshay Codad dhan 84.

Doorashada hal kursi ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, taasi oo uu kusoo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo helay 85 Cod, isagoona ku fadhiyey kursiga HOP#054.