Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay in labo kursi oo kamid ah golaha shacabka berri lagu dooran doono Dhuusamareeb. 

30

Guddiga Maamulka Doorashada ee Galmudug ayaa sheegay in berri la dooran doono kursiga Hop-67 oo ay u taagan yihiin Musharixiin uu kamid yahay Talyaha ku meel-gaarka ah ee NISA, Yaasiin Farey.

Kursigaasi ayaa waxaa jira muran iyo tabasho ay muujiyeen qaar kamid ah Nabadoonada Beesha leh, kaasi oo maalmihii dambe warbaahinta ka jeedinayeen.

Sidoo kale, waxaa berri la dooran doona kursiga Tirsigiisu yahay Hop-43.