RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

50

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaana kulankani uu kusoo aadayaa iyadoo doorashada Golaha shacabka ay si toos ah uga billabatay dalka,waxaana la doortay Kuraasta Somaliland iyo qaar ka mid ah Galmudug, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka uu ku guulaystay labo kursi oo manta doorashadooda lagu qabtay Dhuusamareeb.