Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

53

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Maanta waxaa ay Xaafadda Gubta oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dileen mid kamid ah Nabaddoonada ugu caansan degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Gaaboow Cali Jimcaale ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa Gudaha Gurigiisa oo kuyaal Xaafada Gubta Barwaaqo gaar ahaan agagaarka Xoola qalkii hore ee degmada Deeyniile.

Mid kamid ah dadka lu nool Xaafadda uu dilka ka dhacay ayaa Risaala u sheegay in Odayga la dilay uu Nabaddoon u ahaa mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, isla markaana xilliga la dilayay uu si caadi ah u joogay Hooygiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgalla Waaxda Barwaaqe ee degmada Deeyniile ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo meydka Nabaddoonka geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa Maalmihii la soo dhaafay kusoo batay dilalka qorsheysan, waxaana horaantii todobaadkaan Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Gurigiisa dhexdiisa mid kamid ah Nabaddoonada Soomaaliyeed, halka degmada Dharkeenleey isla todobaadkaan lagu dilay Ganacsade lagu Magacaabi jiray Cali Cabduqaadir Muudeey.