Rooble oo Madaxda maamul Goboleedyada ugu baaqay in la qabto doorashada golaha shacabka.

23

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ka hadlayay munaasabad loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhoweeyay hadal uu kulankaas ka sheegay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor kaas oo ahaa in Galmudug maalmo gudahood ku bilaabayso doorashada.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada kale ka codsaday in ay mudda 24 saac gudahood ah ku bilaaban doorashada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale R/Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed sugayaan in doorashada Golaha shacabka la soo geba-gabeeyo ka hor inta uusan dhammaan sannadkan 2021.