Turkiga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiid dagaal

10
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Dowladda Turkiga kala Wareegtay Gaadiidka Gaashaaman oo loogu tala galay in Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ay ku howlgalaan.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa kala wareegay Xubno ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Turkisom.
Xubnaha ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka xoogga dalka ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay Gaadiidkaan, iyada oo aysan aheyn markii ugu horreeysay oo dowlada Turkiga ay gaadiid ku wareejiso dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka xoogga dalkja ayaa wada dadaallo Xooggan oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab.